Skip to content

Ciidamada dowladda ee Koofurta Sudan ayaa dib u qabsaday magaalada hodanka ku ah Saliida ee Bentiu…

Storyline:Science & Tech, World

Ciidamada dowladda ee Koofurta Sudan ayaa dib u qabsaday magaalada hodanka ku ah Saliida ee Bentiu, halkaasoo ka mid aheyd magaalooyinka ay gacanta ku dhigeen kooxaha mucaaradka.

Afhayeenka ciidamada Milateriga Col. Philip Aguer ayaa sheegay in howl galkii u dambeeyay ay ku soo afjareen dib u qabsashada magaalada abaarihii 14:30 xilliga dalka koofurta Sudan.

Laakiin Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidamadiisa ay isaga baxeen magaalada, si ay u bad baaday dadka rayidka ah, waxaana uu ku hanjabay inay dagaalka sii wadayaan.

Bentiu waa caasimada gobolka saliida hodanka ku ah ee Unity State, dagaalada oo bilowday 15-kii bishii December ayaa waxaa hoos u dhac uu yimid soo saaristii saliida gobolkaas, waxaana ay hoos ugu dhacday 20%.

Col. Aguer ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters “Markaad gacanta ku heyso magaalada Bentiu, waxaa maamushaa dhamaan meelaha saliida laga soo saaro ee Unity State”

Kumanaan ruux ayaa ka barakacay intii ay bilowdeen dagaalada Koofurta Sudan, waxaana ay dadka gabaad ahaan u galeen saldhigyada Ciidamada Nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Wada hadalo ka socda magaalada Addis Ababa oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Koofurta Sudan ayaa wali aanay ka soo bixin heshiis xabad joojin ah, inkastoo labada dhinac ay shuruudo soo bandhigeen.