Dhibka Ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida kunool Nairobi oo korortay iyo Wiil Soomaali ah oo dabaq iska tuuray:
Tan iyo markii ey burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadii 1991-kii Soomaalidu badankeed waxay isaga hayaameen Wadan ey kajiri jirtay nidaam iyo kala danbeyn balse mudo gaaban gudaheed isu badalay fowdo iyo amaan la’aan taa oo inbadan oo dadka ka mid ah ku qasabtay iney naftooda kala cararaan dalkaan halaq mareenka unoqday dagaalo aan dhamaad laheyn ,
Soomalidu badankeed waxay u qaxeen wadamada ree galbeedka balse waxaa jiray kuwo ey tabari biday iney colaada dalkooda ka holceyso ka aadi waayaan wadamada ree galbeedka maciinbidayne Wadamada dariska la ah wadanka soomaaliya, oo ey ugu horeyso Dowlada Kenya oo iyadu albaabka naxariista ufurtay soomaalidii dalkooda kasoo qaxayay taas oo dad badan ey ku macneeyeen inuu sabab u ahaa xiriir wanaagsan oo ey Muqdisho kula dhaqantay Nairobi intii aan qaran jabku ku dhicin ,
Soomalida oo ku caan ah firfircooni iyo iney yihiin dad xoogooda maala ayaa durbadiiba gudaha Kenya ka yigleelay goobo ganacsi iyadoo lasheego iney soomaalidu safka hore kagajiraan wadama caalamka ee dadkoodu ganacsiga caanka ku yihiin , waxaana durbadiiba qaar kamid ah dadkaas u bulaalay ganacsigooda waxayne awood u yeesheen iney magaalooyinka waaweyn ee dalka ganacsigooda si shuruud la’aan ah usoo rartaan kana soo guuraan xeryihii qaxootiga ee lagu marti galiyay waxayne isugu jireen soomalidii ganacsigooda soo rartay kuwo haysto aqoonsiga Kenya iyo kuwo haysto sharciyo qaxooti.
Intabadan Soomaalida Kunool wadanka Kenya marka laga reebo inyar malaha sharciga aqoonsiga ee ey dowlada Kenya siiso muwaadiniinta udhashay dalkeeda waxayna taa badalkeeda dowlada Kenya ey soomaalida dalkeeda kusoo barakacay ugu talagashay iney dalkeeda ku joogaan sharciyo ey bixiso hay’ada qaxootiga ee UNHCR ,
Sida la ogyahay Dowlada Kenya waxay saxiixday (GENEVA CONVENTION ) ama axdi qarameedkii geneva kaas oo u ogolaanaayo muwadinkii dalkiisu dhibaato kajirto inuu ku noolkaro si xor ah wadan kamid ah wadamada saxiixay heshiiskaan taas oo muwaadiniin badan oo soomaliyeed u sahashay iney mudo kunooladaan Kenya iyadoo aan la dhibaateyneyn .
Sanadkii hore xukuumada Kenya waxay Dowlada Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR ka codsatay in Soomalida ey mudada kabadan 20ka sano magangalyo ahaanta dalkeeda ujoogay lagararo iyadoo sabab uga dhigeysa dib u celinta in amaanka dalkeeda uu qalqal kujiro dhibaatooyin badan oo laga soo abaabulay soomaaliyane ey Kenya ka dhacaan sidaas daraadeed dib loogu celiyo dalkoodii hooyo si ey iyadune u xaqiijiso amaanka dalkeeda mar hadii waxoogaa xasiloni dhinaca amaanka ah laga dareemay qeybo badan oo katirsan soomaaliya inakstoo eysan wali fari ka qodneyn .Waxaana heshiis sadex geesood ah lagu kala saxiixday magaalada Nairobi oo ey kala saxiixdeen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya iyo waliba hay’adda UNHCR .
Saxiixitaanka heshiiskaasi kadib Waxaa askar aad moodo iney si gooni ah u bartilmaameedsanayaan Dadka soomaaliyeed lagu soodaayay xaafadda ey soomaalidu kadagantahay Magaalada Nairobi ee Islii kuwaas oo hawl-galo aan kala go’laheyn kasameeya har iyo habeenba gudaha Xaafadaasi .waxayna qabanayaan qofkastaa oo ey arkaan iyagoo aan kala soo ceyn dadka sharciga Kenya haysto iyo dadka qaxootiga ah ee xaafadaan kunool waxayna dadka kula kacaan tacadiyo kala duwan oo isugu jira jir dil iyo waliba dhac lagula kacaayo waxa ey sitaan .
Waxaana dhacdadii ugu danbeysay ee qof soomaliyeed ku dhacdaa ku geeriyooday muwaadin somaaliyeed oo dhibsaday qabashada askarta ey qabanayaan kaas oo markii uu arkay askar baareysa qeybo kamid ah dhismihii uu daganaa cabsi uu kaqabo darteed isaga tuuray dabaq deetane halkaas ku geeriyoodey , dhacdadani ayaa noqotay mid loogu hadal hayska badanyahay xaafadda Islii oo ey hubaal tahay iney ka duwantahay guud ahaan xaafadaha kale ee Magaalada Nairobi oo iyagu habayaratee eysan kajirin dhibaatooyinka daashaday xaafadatan islii .
Marka aad dhex marto jidadka Islii waxaad dareemeysaa iney soomaalida halkaas dagan laqabsadeen dhibaatooyinka lagu hayo mana jirto cid ey kasugayaan iney wax uqabtaan marka laga reebo xildhibaanka laga soodoorto Degmada kaamakunji oo xaafada islii ey katirsantahay Mudane Yuusuf Xasan Cabdi kaas oo inbadan oo soomaalida kamid ahine ey aaminsanyihiin inuu kagaabiyay waajibaadkii shaqo ee ey udoorteen isla mar ahaantaane uu balanqaaday inuu fulin dooono Xiligii uu Musharaxa ahaa inkastoo qaar kamid ah Soomalidune ku doodayaan inaan wali lagaarin heer xildhibaanka lagu eedeeyo waxqabad la’aan .
Sikastaba ha ahaatee Soomaalida islii ayaa ku kaftama eraayo ey kamid yihiin “ jamco lagu qabay oo isniin lagu soodaa” taas oo micnaheedu yahay in maalmaha sabtida iyo axadu eysan jirin wax shaqo ah waxaana ka dhalankaro hadii xabsiga laguu taxaabo inaan lagu soodeyn Karin sababo laxiriira shaqooyinka oo laga Nasto labadaas Maalmood ee Wadama aan islaamka aheyn u isticmaalaan iney yihiin dhamaadka todobaadka waana sababta aan cinwanka maqaalka uga dhigay arinkaas