Skip to content

Fadeexad Culus oo Hareysay Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande (Warbixin )

Storyline:Science & Tech, World

Waxaa beriyahan Jariiradaha kasoo baxa dalka Faransiiska falanqeynayeen fadeexad hor leh oo hareysay Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande, waxaana si weyn u hadal haya shacabka reer France.

Mid kamid ah Wargeysyada ayaa soo daabacay asbuuci lasoo dhaafay warbixin ay ku sheegeen in Madaxweyne xiriir hoose kala dhexeeyo Gabadha filimaanta jisha ee lagu magacaabo Julie Gayet.

Wargeyska oo lagu magacaabo ‘’Closer Magazine’’ ayaa daabacay warbixin todobo bog ah oo uu kaga faaloonaayo xiriirkaan qarsoon, waxaana uu soo bandhigay Sawiro cadeymo u ah labadan lamaane.

Madaxweynaha ayaa lasoo sawiray isagoo booqanaaya guri ku dhow xarunta madaxtooyada iyadoo isla markii la arkay guriga iyadoo galaysa gabadha lala xiriiriyey Ms Gayet, waxaana uu Madaxweynaha gashna koofiyada gaashaman ee loo yaqaano ‘’Helmet’’.

Mr Hollande ayaa caro xoogan ka muujiyey warbixintaan, isagoo sheegay in lasoo fara geliyey noloshiisa gaarka ah oo wadankaas mamnuuc ka yahay in warbaahinta wax ka qorto. Balse wuxuu ka gaabsaday ama diiday in uu beeniyo jiritaanka arrintaan uu wargeysku soo daabacay.

Tifaftiraha Wargeyska ayaa sheegay in qareenada Aktarrada ay lasoo xiriireen kana codsadeen in warbixinta laga saaro Website-ka.

Sharciga dalka Faransiiska ka jira ayaa u ogoleyn Saxaafadda in ay farageliyaan arrimaha gaarka u ah qofka, iyadoo warbaahinta loo ogoleyn in ay daabacdo wax khuseeyo qof naftiisa iyagoo wax ogolaansho ka haysan.

Marwada koowaad ee dalka Ms Valerie Trierweiler oo iyadu ah Suxufiyad ayaa la dhigay Isbitaal kadib markii ay soo baxeen warbixino ku aadan xiriirka qarsoon ee Madaxweynaha iyo gabadha Aktarrada ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xaaska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in nasiino loo geeyay Isbitaalka iyo baaritaano oo aysan jirin xaalad khatar ah ay qabto.

Waxaa la filaaya in Isbitaalka laga soo saaro maanta oo isniin ah, waxaana jirin faahfaahin kale la bixiyey.

Shir Jaraa’id oo la filayay in uu Madaxweynuhu qabto maanta oo Talaado ah lana filayay in uu kaga hadlo horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa u muuqata mid baaqatay iyadoo sabab u ah xaaladda cusub lasoo deristay.

Xafiiska Madaxweynaha oo aan wax war ah kasoo saarin arrintaan ayaa sida laga soo xiganayo wararku sheegaayan in Madaxweynuhu talaabo arrintaan ku saabsan uu qaadi doono maadama wadanku mamnuuc yahay in qofka noloshiisa gaar ahaaneed la farageliyo.

Siyaasiyinta Faransiiska ayaa arrintan ka hadal, balse qaar kamid ah ayaa isku raacay in sharci darro tahay in la fara gashto qofka noloshiisa gaarka ah.

Shacabka reer France ayaa aad u dhaliilsan Siyaasadaha Madaxweyne Hollande, balse waxaa lagu amaana sida uu wax uga bedelay Xuquuqda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Fadeexadaan ayaa la mid noqonaysa fadeexado kale oo lasoo deristay madax kale oo u badan reer Europe kuwaas oo intooda badan shaqada isaga tageen, balse Madaxweyne Hollande waxaa uu haysta fursad uu Wargeyska maxkamad isla tagaan.