Skip to content

Kenya oo sheegtay in dowladda Marekanka haysato maydadkii dhamaan kooxdi weerartay suuqa Westgate

Storyline:Science & Tech, World

War ka soo baxay Kenya,waxaa lugu sheegay in guud ahaanba kooxdi weerartay suuqa Westgate,ay haysato maydadkoodii dowladda Marekanka,sida waxaa sheegay Madaxa Ciidamada Difaaca Kenya.

Julius Karangi madaxa Ciidamada Difaaca Kenya,waxaa uu markii ugu horreeysay uu si cadd u sheegay inay hubsadeen kooxdi weerartay dhismaha ganacsiga ee Westgate,maydadkii in dawladda Maraykanku ay haysato.

Karangi,ayaa ku sharaxayay jawaabtii uu ciidankiisu ka bixiyay weerarka shir ay qabanqaabisay golaha warbaahinta oo dib loogu eegayo habkii wax looga qoray ama looga hadlay dhacdadaas.

Waxaa uu sheegay madaxa ciidamada Difaaca Kenya (KDF) Julius Karangi, inay hay’adda FBI-da gacanta ku hayaan maydadkii dagaalyahannadda Ururka Alshabaab ee ku dhintay Iska-horimaadkii Westgate, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ka bixiyo halka ay FBI-da ku hayso maydadkaasi.

Julius Karangi,waxaa uu soo hadal qaaday in ciidankiisu uu ugu dambayntii dilay weeryahannadii subaxii Isniinta (September 23-deedii), laba maalmood kadib markii ay galeen suuqa Westagte oo ay dadkii dukaamaysanayay iyo shaqaalihiiba xabad ku shaandheeyeen.

“Kadib markii dhacdadani ay dhacday Sabtidii, ayaan wax walba waxaan soo gabagabaynay subaxii Isniinta,” Karangi ayaa dadkii dhagaysanay sidaas ugu sheegay hoteel Nairobi ku yaala.

Weerarka lugu qaaday dhismahaan waxaa ku dhintay 67-qof,waxaana mas’uuliydiisana sheegatay kooxda ka dagaallanta Soomaaliya Al Shabaab,waxaana xilligaa ay sheegen in weerarkaan ay  fuliyeen dagaalyahanno aad u tababaran waxayna Kenya uga digeen inay ciiddamadooda kala baxaan Koonfurta Soomaaliya.