Skip to content

Soomaalida ku nool Dalka New Zealand oo cabasho weyn ka muujiyay baaritaano joogto ah oo lagu hayo!!

Storyline:Science & Tech, World

Soomaalida ku nool dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay inay cabasho weyn ay ka muujiyeen baaritaan joogto ah oo ay ku hayaan booliiska iyo waaxda canshuuraha ee dalkaas iyagoo uga shakisan inay dalkaas ay si qarsoodi ah ay u galinayaan maandooriyaha qaadka loo yaqaan.

Soomaalida ku nool dalkaas New Zealand ayaa waxaa la sheegay in lagu haayo midab kala sooc la xiriiri in marka ay dalkaas dib ugu soo noqonayaan in lagu xanibo garoonka diyaaradaha ayaga oo laga baaraayo inay wataan qaad ama jaad oo ay damacsan yihiin inay dalkaas si qarsoodi ah ay u galiyaan, Soomaalidaan ayaa waxay sheegeen in marka loo arko inuu yahay qof Soomaali ah loola dhaqmo si kale islamarkaana loo baaro si xad dhaaf iyadoona mararka qaarkood la weydiiyo inay heystaan wax qaad ah arintaas oo ay cabasho weyn ka muujiyeen Soomaalida ku nool dalkaas New Zealand, Sida uu sheegay Yuusf Khaliif oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee magaalada Wellington ee dalkaas New Zealand inay noqotey wax iska caadi ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed mar walba la beegsado ayagoo laga baaraayo qaadka.

Ugu dambeyntiina iyadoo ay Soomaalida ku nool dalkaas New Zealand ay cabashadaas ay ka soo yeerta ayaa waxaa arintaas wax kama jiraan ku tilmaamay masuuliyiin ka tirsan waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee dalkaas New Zealand oo ayagu ku doodaaya inay mar walba inta badan ay gacanta ku dhigaan qaad la damacsan yahay in dalkaas si tuuganimo ah lagu galiya laakiinse waxay meesha ka saareen inay si gooni ah ay u bartilmaansadaan dadka Soomaaliyeed, Qaadka ayaa waxaa uu ka mamnuuc yahay dalkaas New Zealand iyo meelo kale oo ka mid ah wadamada Yurub iyo Amerika iyadoona uu dalka qura ee uu hada ka jiro oo laga ogol yahay uu yahay dalkaas Ingiriiska oo asagana la filaayo inuu dhawaantaan uu ka hirgalo sharci looga mamnuucay qaadka dalkaas Ingiriiska.