Skip to content

Al-Shabaab oo Xukun Dil ah ku fulisay Nin uu adeer u ahaa C/Raxmaan Faroole iyo labo Nin oo kale

Storyline:Archive, Science & Tech

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay fagaare kuyaala Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose waxa ay ku toogatay sadax nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis la shaqeysa Dowlada Federaalka iyo Sirdoonka Reer Galbeedka.

Ragan la dilay waxaa ku jiray Nin uu adeer u ahaa Madxaweynihii hore ee Maamulka Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole , waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay sirdoonka Maamulka Puntiland.

Qaadiga Al-Shabaab ee xukunka ridayay ayaa sheegay in Sadaxdan nin ay dilka ku xukumeen dhamaan qirteen eedihii loo heestay , waxa uuna ugu dambeyn ku xukumay in lagu toogto goob Fagaare ah.

Sadaxda Nin ee la toogtay ayaa lagu Magacaabi jiray.
1-Axmed Cabdullaahi Max’med Faroole oo 47 sana jir ah waxaa lagu helay in uu la shaqeynayay sirdoonka Puntland isagoona farmuuqi jiray Dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusugan buuraha Goolis,

2-Maxamed Geelle Cabdulle oo 29 sano jir ah ayay ku caddaatay in uu sirdoonka Faransiiska u fududeeyay howlgalkii fashilmay ee degmada Bula Mareer ka dhacay bishii Jannaayo.2013 islamarkaana oo agaasimay duqeyn sanaddii lasoo dhaafay ka dhacday meel ku dhaw Jilib oo lagu dilay Sargaal katirsanaa AL-Shabaab.

3-Cabdi Raxmaan Cabdi Ladiif axmed oo ahaa 23-jir ayaa lagu eedeeyay in uu katirsanaa Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya howlojawaasiisbimana uu u tagay Gobolka Sh/hoose.

Goobta Xukunka Dilka ah uu ka dhacay waxaa soo buux dhaafiyay Boqolaal dadweyne oo kusugan Magaalada Baraawe kuwaa oo goob joog u noqday qaabkii loo fulinayay Xukunka dilka ah ay Shabaab ku xukumeen Sadaxdan Nin.