Skip to content

Ciidamada Huwanta oo ku wajahan mid kamid ah Degmooyinka ugu muhiimsan ee gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidmada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku wajahan yihiin degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo aad u hubeesan ayaa xalay kasoo dhaqaaqay Saldhigyo kuyaala magaalada Baladweyn, waxa ayna u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Buulo burte oo hada gacanta ugu jirta Xarakada Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Ciidamaa kasoo baxay Magaalada Baladweyn ay yihiin kuwa aad u hubeesan oo wata dabaabaadka dagaalka , waxa ayna tilmaameen dadkii arkay ciidankaasi in ay u ruqaansadeen dhinaca iyo Degmada Buulo Burte.

Xiisado ayaa laga soo sheegayaa saakay in ay ka jirto degmada Buulo Burte, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Al-Shabaab ee kusugnaa degmadaasi in ay ku jiraan feejignaan ku aadan weerarka kaga soo wajahan Ciidamada Huwanta.

Qaar kamid ah dadweynaha kunoolaa Degmadaasi ayaa mar horaba bilaabay in ay ka barakacaan halkaasi iyagoo ka cabsi qaba in dagaal uu degmadaasi ku dhax maro Al-Shababaab iyo Ciidamada Huwanta ah ee hada weerarka ku ah degmadaasi.

Degmada Buulo Burte ayaa kamid ah degmooyinka ugu muhiimsan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab , waxaana maalmihii ugu dambeeyay gacanta Al-Shabaab ka baxday gacan ku heynta Shan Degmo ay ka maamulayeen Gobolada Bakool iyo Gedo.