Skip to content

Daawo Sawirada ” Muqdisho oo maanta lagu soo bandhigay waxyaabo loo adeegsanayay qaraxyadii Habeenadan ruxay

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigeen waxyaabo ay sheegeen in ay yihiin kuwa laga sameeyo qaraxyada Macmalka ah oo lagusoo qabtay Howlgalo Ciidamadu sameeyeen.

Taliyaha ciidamanka Booliiska ee gobolka Banaadir ahna afhayeenka hey’adaha amniga Gen. Maxamed Yuusuf Madaale oo Warbaahinta kula goobtii lagu soo bandhigay Waxyaabahan qaraxayda macmalka loo adeegsado ayaa sheegay in Ciidanku kusoo qabteen Howlgalo ay kasameeyeen Degmada Xamar Weyne.

Taliyaha ayaana tilmaamay in waxyaabaha ay soo bandhigeen ay yihiin waxyaabo qarxayo macmal ah laga sameeyo ayna yihiin kuwii labadii habeen ee lasoo dhaafay loo adeegsanayay qaraxyo ruxay Magaalada Muqdisho.

Jen. Madaale ayaa tilmaamay in Ciidaada Booliiska ay ku raad joogaan kooxo uu sheegayin ay Magaalada Muqdisho u joogaan qal qal galinta Shacabka iyo in ay ka been sheegaan amaanka Caasimada sida uu yiri.

Habeen hore ayaa Magalaada Muqdisho waxaa ruxay dhawaqa wax loo maleenayo in ay yihiin Hoobiyayaal kuwaa oon wax qasaaro ah geesan , Taliska Ciidanka Booliiska ayaana beeniyay waxa Qraxayada Muqdisho ka dhacay in ay ahaayeen Hoobiyayaal balse yihiin Qaraxyo mac mal ah.