Skip to content

FALANQEYN: Maxaa Ku Cusub Golaha Wasiirada Cusub Ee uu Magacaabay Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed?

Storyline:Science & Tech

Liiska Golaha Wasiirada cusub ee uu habeen hore shaaca ka qaaday Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa noqday kuwii ugu tirada badnaa ee dalku yeesho tan iyo sanadkii 2004 marka lagu daro dawladihii ku-meelgaarka ahaa.

Raysal Wasaaraha aya magacaabay 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo shan wasiiru dawle, kuwaasoo tiradoodu tahay 55 xubnood, Waxaase isweydiinta iyo hadalheynta dadka ay noqotay durba maxaa ku cusub golahan?

Dad badan lama yaabana tirada 55-ta xubnood ah waayo waxaa la ogsoon yahay in beelo badan oo Soomaaliyeed ayu dhinaca ku dheganaayeen warqadaha liiska wasiirada lagu qoray, waxaana loo arkaa in 25 wasiir iyo ka badanba ay ahayd arrin laga filayey in Raysal Wasaaruhu magacaabo marka loo eego xaaladii lagu jiray mudada bisha ahayd ee u dambeysay.

Maxaa ku cusub magacaabista wasiirada?

Arrinta ugu horreysa ee ay dadku illaa hadda hadalhayaan ayaa ah in magacaabista wasiirada ay qaadatay hal bil iyo toddoba maalmood, waana mrkii ugu horreysay oo Raysal Wasaare Soomaaliya soo mara uu waqti intaas la eg ku qaadato inuu wasiirada xukuumadiisa magacaabo. Taasoo dabcan ay kalliftay ismaandhaaf ka taagnaa liiska wasiirada.

Wariyayaashii joogay xaflada magacaabista wasiirada [habeenimadii Khamiista ee Jimcuhu soo galayey] ayaa hool ku yaalla xarunta madaxtooyada ku sugnaa laga bilaabo 5:00 pm ee Khamiista illaa 2:30 am ee Jimcihii. Waxaana illaa labo jeer la hakiyey waqtiga wasiirada la shaacin lahaa.

Waxaa jiray muran hoose oo ku saabsanaa magacaabista kaasoo laga dheehan karay madaxda dhexdooda. Raysal wasaaraha ayaa illaa labo jeer kulamo gooni gooni ah la kala qaatay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo laftiisa ka biyo diiday liiska hase yeeshee saacadii u dambeysay lagu qanciyey.

Magacaabista wasiirada waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay abaare 2:00 habeenimo iyo dheeraad, waxaana hoolka ay xafladu ka dhacaysay soo xaadiray Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo wasiirada xildoonka ahaa iyo marti kooban oo habeenkaasoo dhan meesha fadhiday. Raysal Wasaaraha ayaa wajigiisa laga dheehan karay daal farabadan.

IMG_9203Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka midna goobta kama muuqanin, waxaana aan la ogeyn sababta ay u iman waayeen, iyadoo ay dhaqan ahaan jirtay in marka xukuumadda cusub la shaacinayo ay wada joogaan madaxda sare haddiiba ay dalka ka maqneyn. Laakiin madaxweynaha ayaa aroornimadii soo saaray war saxaafadeed uu ku taageerayo xukuumadda cusub.

Wajiyada hore ee soo laabtay

Xukuumadda cusub ayaa waxaa ku jira illaa afar xubnood oo ah xubnaha wasiiro iyo wasiir ku xigeeno hore ah oo ka mid ahaa xukuumadii la riday ee uu hogaaminayey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, arrintaasi oo ahayd tii muranka badan ka dhalisay baarlamaanka dalka oo mooshin lagu diidayo soo laabashada wasiiradii hore la geeyay toddobaadkii hore.

Waxaana wasiiradaasi ka mid ah;-

1- C/kariin Xuseen Guuleed (wasiirkii hore arrimaha gudaha iyo amniga qaranka) oo hadda loo magacaabay wasiirka amniga qaranka

2- Faarax Sheekh C/qaadir (wasiiru dawlihii hore madaxtooyada) oo hadda loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arrimaha federaalka.

3- Jaamacay Axmed Maxamed Odey (wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha iyo amniga) oo hadda ah wasiirka tamarta iyo biyaha

4- Ibraahim Isaaq Yarow (wasiir ku xigeenkii warfaafinta, boostada iyo gaadiidka) oo hadda ah wasiir ku xigeenka amniga qaranka.

Xubnaha Damu Jadiidka ee xukuumadda ku jira

Dad badan waxaa indhahooda soo jiitay tirada ay Xisbiga Damu Jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh lagu tiriyo ay ka heleen dawlada cusub, arrintaaso ahayd caqabada ugu weyn ee la aaminsan yahay inay hortaagneyd dhismaha dawlada cusyub Raysal wasaaraha iyo madaxweynuhuna isku fahmi la’ sanaayeen.

Hadda waxaa Kooxda Damu Jadiid dawladan cusub ka heleen illaa toddoba xubnood oo saddex ay yihiin kuwo cusub;

1- Mahad Maxamed Salaad oo xildhibaanimada iyo siyaasadaba ku cusub, kana tirsanaa ururka Damu Jadiid ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Booskaas waxaa horey u hayey Dr Jamaal Maxamed Baarow oo isagu laftiisa ka mid ahaa ururka Damu Jadiid, horeyna u ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay noqon kartaa in xubnaha Damu Jadiid booska u arkeen in labo nin oo iyaga ka mid ah isku bedeleen, balse arrinta walaaca keentay ee dad badani qabaan ayaa ah in Mahad Salaad oo nin dhalinyaro ah, siyaasada dhanna ku jiray halka sano ee uu xildhibaanka ahaa in dusha loo saaro masuuliyad arrimo dibadeed, halka Wasiiradii hore Fawsiya Yuusuf oo waayo aragnimo ahaan ka badan Mahad Salaad ay meesha ka baxday!.

2- Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle); Wuxuu ka tirsanaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso, wuxuuna markii dambe ahaa Wasiirkii hore Qorsheynta ee Puntland dawladii C/raxmaan Faroole balse xilkaasi wuu iska casilay ka dib markii uu heley shaqo ah inuu xiriiriyo dawlada Federaalka iyo Puntland. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool.

Daa’uud waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Macdanta. Xilkan wasiirnimo ka sokow in beesha Sool ahaan loo siiyey, waxaa Daa’uud Bisinle u dheer inuu ku jiray xubnaha dhowaan ku biiray mabda’a Damu Jadiid ee fadhiga ka dhigtay Hotelka Jasiira.

3- Dr Khaalid Cumar Cali- Waa xildhibaan baarlamaanka mudo dheer ku jiray. Waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. Dr Khaalid waxaa uu ka mid yahay ragga ugu firfircoon xildhibaanada Damu Jadiid ee baarlamaanka jooga. Waxaa xusid mudan in waqtiga loo magacaabayo wasiirka uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga isagoo qeyb ka ah wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland, taas ayaana nuxur u yeeleysa in Dr Khaalid wasiir loo magacaabo.

4- C/kariin Xuseen Guuleed; Waxaa lagu tiriyaa ninka labaad ee aas aasay urur diimeedka Damu Jadiid. Xildhibaan C/kariin Guuleed si weyn ayey u muuqatay awoodiisa madaxtooyada oo xitaa markii beeshiisa odayaal ka mid ah ay damceen inay nin kale booska geystaan madaxtooyada ayaa ka hor istaagtay, sida odayaashuba ka sheegeen idaacadaha gudaha.

C/kariin Guuleed hadda waxaa uu hogaaminayaa wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland ee ku sugan wadanka Turkiga. Xilkiisa hore waxaa laga gooyey “Arrimaha Gudaha” Waxaana uu hadda noqonayaa “Wasiirka mniga Qaranka” oo ah wasaarada muhiim ah.

Waa markii labaad oo C/kariin Guuleed xil wasaaradeed loo magacaabo isagoo aan dalka joogin (Xukummadii Saacid Shirdoon xitaa waxay magacawday isagoo maqan0 taasoo muujineysa kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo C/kariin Guuleed.

5- Faarax Sheekh C/qaadir; Waxaa dadku ku tilmaamaan maskaxdii dhistay Ururka Damu Jadiid iyo Xisbiga PDP (Peace and Development Party) ee madaxweyne Xasan Sheekh guddoomiyaha ka ahaa. Faarax wuxuu kaloo weli hayaa kursigii xildhibaanimada ee baarlamaanka.

Shaqadiisa hay’adaha Carbeed iyo maamulka waxbarashada ka sokow wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh. Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada, wuxuu kaloo ahaa ninkii madaxweynuhu ku aaminay wadahadalkii lala galay maamulka Jubba ee Kismaayo.

Faarax Sheekh C/qaadir waxaa hadda loo dalacsiiyey wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka” oo labo wasaaradood isku heysa. In Arrimaha Dastuurka loo dhiibana waa qorshe kale oo muhiim u ah madaxweynaha iyo xisbigiisa Damu Jadiidka.

6- Jaamac Odey; horey wuxuu u joogay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga, haddase waxaa uu ku biiray xubnaha Damu Jadiid ee u dallacay wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha”. Jaamac weli waa xildhibaan ku jira baarlamaanka.

Dad badan ayaa xusuusta Jaamac Odey inuu ka mid ahaa xildhibaanadii keenay mooshinkii lagu riday xukuumadda Saacid Shirdoon oo uu Jaamac ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga.

Ibraahim Isaaq Yarow oo faraxsan.
Ibraahim Isaaq Yarow oo faraxsan.
7- Ibraahim Isaaq Yarow; wuxuu ahaa xildhibaan, wuxuuna ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta. Haddase waa wasiir ku xigeenka amniga qaranka, xilkaas oo xilligii ku-meelgaarka uu mar ku soo shaqeeyay.

8- Maxamuud Macalin Yaxye oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada waxaa hadda laga dhigay wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Xubnaha laga ceyriyey jagooyinka

Liiska wasiirada xilalka waayey waxaa ka muuqda inay yihiin xubnihii markii horeba aan ku iman iman safka madaxtooyada ee siyaabaha kale lagu soo xushay, kuwaasoo dhamaanba daadku qaaday hadda;

Waxaana ka mid ah;-

– C/xakiin Xaji Maxamuud Fiqi oo ahaa wasiirka difaaca.

– Dr Maryan Qaasim oo ahayd wasiirka horumarinta bulshada.

– Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ahayd wasiirka arrimaha dibadda.

– C/laahi Ciilmooge Xersi oo ahaa wasiirka warfaafinta

– C/laahi Abyan Nuur oo ahaa wasiirka garsoorka

– Muxyidiin Maxamed Kalmooy oo ahaa wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda.

Baarlamaanka ma aqbali doonaa xukuumaddan?

Madaxtooyada waxay isku day doontaa in xukuumaddan ka marto baarlamaanka weli careysan wax kasta oo ay ku qaadataba.

Markaad dib u fiiriso liiska waxaa ka buuxa xildhibaano hadana wasiiro ah si ololaha baarlamaanka ee xukuumadda lagu meelmarinayo u hirgalo. Si taasi u hirgashana waxay madaxtooyada ku kalliftay xulufeysiga kooxo aysan isku aragti ahayn balse saameyn ku leh siyaasadda iyo baarlamaanka waxaana ka mid ah-

– Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadda laga dhigay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

– Xildhibaan C/laahi Colaad Rooble oo laga dhigay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta

– Xildhibaan Mustaf Dhuculow oo laga dhigay Wasiirka Warfaafinta

– Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo laga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.