Skip to content

R/Wasaaraha Somalia oo amray hay’adaha ammaanka in ay baaritaan ku sameeyaan Qaraxii maanta lagu dilay Xildhibaan Riino

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacisyeey dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

“ Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Cali oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa loogu xiray waxyaalaha qarxa. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ereyada ugu adag ku canbaareeyey falkan argagaxisonimo ee lagu dilay xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, islamarkaana ka baxsan qiyamka iyo dhaqanka diinta Islaamka. Mudane Cabdiweli ayaa balnqaaday in qaranka Soomaaliya uu ka guuleysan doono cadawgiisa.

“ Waxaan canbaaraynayaa weerarkan aragaxisinimo ee lagu dilay xildhibaankan u adeegayey ummadda Soomaaliyeed. Waa fal dhiigyacabnimo ah oo ka tarjumaya afkaarta gurracan ee lagu banaysanayo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“ Waxaan u sheegayaa Kuwii geystay falkan iyo kuwo kale oo ka horreeyey oo dad qaali ah ay ku dhinteen in iyagu ay dhammaanayaan, waana laga adkaanayaa haddii alle idmo. Waqtigii iyo cimrigii kooxaha nabad-diidku waa dhamaad, iyaga ayaana khasaaraya”.

“ Weerarkan fuleynimada ah wax saamayn ah kuma yeelanayo dadaalada iyo horumarka ka socda dalka oo dhan. Waan heli doonaa denbiilayaashii ka dameeyey waana ciqaabi doonaa si ay u eedaan ficilada xun ee ay geysteen”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu Illaah uga baryey xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo qaraxaasi ku dhaawacmay in uu ka soo kabto dhaawacaasi. Dr. Cabdiweli ayaa sheegay in weerarada noocanah ay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo dadka muhiimka ah ee shaqooyinka u haya bulshada isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan dowladda sidii ay u sugi lahayd ammaanka dalka.

Ugu damayntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa faray hay’adaha ammaanka qaranka in ay baaritaan buuxa ku sameeyaan falkan guuracan, isla-markaana caddaaladdana la horkeeno dhagar-qabayaashii ka dameeyey.