Skip to content

Warbixin Xiiso badan oo ka hadlaysa Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Maanta ku beegan

Storyline:Science & Tech

Hanbalyo Hanbalyo Dhamaan Bahda Warbaahinta soomaaliyeed meel kasta aad caalamka ka joogtin kuwa madax banaan iyo dowladda maamusho.

Maanta waa talaado waana 21 janaayo waa maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.
saas awged dhamaan bahda warbaahinta soomaaliyeed mamul iyo howl wadaano hanbalyo.

Inta aan u guddo gelinta dulucda maqaalka aan akhriyaasha webka labo erey inta badan isku qaldan aan u kala sharxo.

1 – Suxufi ama Weriye;; waa tebiyaha ama aqriyaha war ,,barnaamij ama dhacdo dhacday
isagoo sheegaayo Goorta ay dhacday,Qaabka ay u dhacday iyo meesha ay ka dhacday
si Maqal,,Muuqal ,,ama Qoraal kii ay noqoto.

2 – Saxaafad ama warbaahin;;; Waa qalabka ama aalada warkaas,,barnaamijkaas ama dhacdadaas lugu gudbiyo, sida Tv,,Radio,,Wargeys,,,Joornaal,,Websed,,Madbacad ama Arts. si Maqal,,Muuqaal,,ama Qoraal kii ay noqoto.

Marka la isku qabto labadaas erey ee kala ah,Suxufi ama weriye iyo Saxaafad warbaahin waxaa la isku dhahaa ** Warfaafin**.

Haddaba warfaafinta Soomaaliyeed waxa ay soo martey marxalado iyo heerar kala duwan,waqtigii uu dalkeena gumeystaha ka talin jirey iyo xornimada ka dib waxaa jirey waqtigaas dhowr wargeys oo ku soo kala bixi jirey afafka,,talyaaniga,engiriiiska,,carabiga iyo labo radio oo kala ahaa radio hargeysa iyo radio muqdisho.

Markii ay dhalatey dowladdii kacaanka ee ciiddanka hogaaminaayeen warfaafinta waxay ka mid noqotey meelihii ay dowladaas ay qarameysay wargeysyadii badnaa waxay ka soo reebtey hal wargeys oo ay u baxsatey Xiddigta Oktoobar oo ku hadla afkeeda isla markaan gudbiyo fikirka iyo siyaasada dowladaas kacanka ahayd.

Waxayna u sameysay wasaarad ay igu magac dartey wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta dad weynaha,wasaradaas oo ka koobneyd 4 wakaalad iyo labo waax.
A -Wakalaada wararka soomaaliyeed ee Sonna.==== wixii war ah diyaarintoda gudaha iyo dibbada,

B -Wakaalada Murtida iyo Madaalada.

C-wakalaada Madbacada qaranka.=== daabacada wargeyska xiddigta oktoobar iyo kii XHKS.

D -Wakalaada filimada soomaaliyeed.

E- Waaxda idaacadaha soomaaliyeed.waxaa hoos tegi jirey 2da radio iyo tv uu dalka ahaa.

F-waaxda faaf reebka,

Inta ay jirtey dowladadaasi ma jirin warbaaahin kale oo mucaarad ah oo qaladkooda u sheega,nooc kasta warbaahinta ahaato,laakin markii ay dhismeen jabhadihii mucaaradka ahaa ayaa qaarkood waxay radio ay ku sheegaayo qalad dowlada isla markaana ay ku gudbinayeen afkaartooda ka furteen wadamada ay deriska nahay qaarkood sida dalka itoobiya.

Shacabka waxay si gaaru xiisen jireen una dhageysan jireen idaacada weyn ee BBC laanteeda afsoomaaliga tasoo u muuqatey in dhex dhexaad tahay.

Markii ay bur burtey dowladii kacaanka 26 janaayo 1991 di waxaa hal mar dalka ka habad qaday warbaahino madax banaan oo xor una badan wargeysyo,waxay ahaayeen shumac ama ileys saxafaded ee dalka u iftiimay iyadoo shacabkana ay u riyaaqen ileyn waxay heleen warar badan oo dhex dhexaad ah,warar badan oo sugan warar badan fresh ahiyo iyagoo shacabka ay la socdan dhacdooyinkii Ugu danbeeyey dalka gudahiisa iyo dibadiisa.\

Waxa ayaan daro iyo ciil adduun ah ileyskaas saxafaded ee soo if baxay ayaa dad qarkis damceen in demiyaan iyadoo suxufiyiinta shidey ileyska ama iftiinka saxaafada xor ah ku bilaabeen in ay dileen,,xiraan ,,barakiciyaan,, u u hanjabaan qaarkoodna shaqada laga ceyriyo,afkana ka qabtaan si ay u sheegin runta iyo xaqiiqda.taasoo suxufitiinya lugu bilabay 1991 dii ilaa maanta ay joogno 2014 lugu wado.